الأحد، 31 يناير 2021

Jessica Andrew

Generaal daarooda oo sheegay in Farmajo Doonaayo in qabiil ahaan lagu raaco

Jessica Andrew بتاريخ عدد التعليقات : 0


 

General cabaas guray ayaa sheegay in markii ay diideen qorshaha farmaajo wato kana biyo diideen ina aya qabyaalad kula sheqeeyaan aqbalaana go’aamadiisa waxa uu farmaajo ku tilmaamay in ay yihiin jabhad nabadiida oo u adeegaysa cadawga soomaaliyeed.

Farmaajo waxa uu rabaa in uu gobolka uu ku kala furfuro qabyaalad isaga oo uga goleh in uu baabiyo meeshana kasaaro maamulka Jubaland oo kahoryimid mabaadiida qaldan ee uu wato farmaajo taasoo dhalisay dagaal ay ku hoobteen dad soomaaliyeed oo nabdoonaa ka hor inta aanu farmaajo duulaanka qaawan ku qaadin gobolka gedo.

Farmaajo waxa uu wadaa in uu daagaal galiyo dalka iyo gobolada nabdoon si uu isagu xukunka ugu siinagaado markaana aanay doorasho ka hirgalin dalka gabi aahan kuna sheego in dagaalo ku socdaan sidaadarteedna aanay suurto gal ahayn in ay ka hirgasho doorashooyin gabi ahaanba soomaaliya taas oo uu ku raadinayo mudo korodhsiga uu hadaba talaabadeeda qaaday ee lasheegaayo in uu sanad ku darsanayo mudo xileedkiisa.

Waxa laga dheehan karaa hadalada kasoo yeedhaya Farmaajo in ay ka muuqato kali talisnimo  taas oo ah sifooyinka ilaahada ka muuqda mucangaga farmaajo oo noqday madaxwaynihii ugu amar ku taaglaynta badnaa ee soomara tan iyo markii ay burburtay dawladii kacaanka ee uu taladeeda hayay Maxamed siyaad bare.

Hadaba Farmaajo oo u arka naftiisan nin umada soomaaliyeed kaligii wax uqabtay ayaa waxa uu doonayaa in uu talada ku soo laabto iyada oo laga dharagsan yahay ficiladiisa fooshaxun iyo midi midi ku taagta uu ku caana maalay iyo cayda madaxdii soomaaliyeed ee isaga ka horaysay oo uu ku tilmaamo qaar fashilmay islamarkaana uu dadaalkoodii ka dhigay mid aan midho dhalin iyo barkuma taal.

Hadiiba ay u suuroobi waydo in talaabooyinkaas uu ku raadinayo in uu  xukunka ku siinagaado ee doorashada dib loogu dhigayo waxa uu diyaar u yahay in uu dagaal sokeeye karido dalka islamarkaana dib ugu celiyo halkii laga soo bilaabay dadaalka iyo nabadaynta umada soomaaliyeed ee afartii madaxwayne ee isaga kahoreeyay ee lasoo doortay soo gaadhsiiyeen umada soomaliyeed taasoo oo cadaynteedu tahay sida uu hub urursiga ugu jiro iyo diyaargarawga dagaal

Generaal daarooda oo sheegay in Farmajo Doonaayo in qabiil ahaan lagu raaco
تقييمات المشاركة : Generaal daarooda oo sheegay in Farmajo Doonaayo in qabiil ahaan lagu raaco 9 على 10 مرتكز على 10 ratings. 9 تقييمات القراء.

مواضيع قد تهمك

تعليق